Wednesday, August 15, 2012

Hyena meat in Kismayo Shiikh Umal oo ka hadlay cunista Hilibka Waraabaha

Increasing consumption of hyena meat in Kismayo

Hiiraan Online
Ahmed Abdisamad
Sunday, August 12, 2012



Residents in the port city of Kismayo started consuming hyena meat, after Al-Shabab militants authorized it.
Hunting, trading, and eating hyena is spreading in the area, which shocked some residents in Kismayo.
Anonymous source in Kismayo told Hiiraan Online that the consumption of hyena meat increased in the city in the past few months.
Consumption of hyena meat became a matter of discussion among the residents of Kismayo, as such is very alien to the Somali culture. Anonymous sources told HOL that Al-Shabab which controls most of Kismayo and surrounding environs is spreading misleading information that hyena meat has certain health benefits and cures many health ailments, albeit, the religious prohibition of consuming wild animals with canine tooth, Prophet Mohamed (peace be on him) states that "forbidden is the eating of any wild animals with a canine tooth and of any bird with talons." "Wild animals" denotes those which prey on others and devour them by tearing them apart, e.g., the lion, leopard, wolf, and the like; birds with talons such as the hawk, eagle, falcon, etc., do the same.
According to Islamic teachings consuming the meat of scavengers is prohibited, but Alshabab insists that this kind of meat is approved by Islam. Islamic scholars in Kismayo gave contradicting interpretations to the matter. It is not yet known if this is a religious edict, but the consumption is becoming widespread in Kismayo city and its surroundings
“One Kg of camel meat is approximately Somali Shillings 100,000, where as one Kg of hyena meat is double of that” said a resident of Kismayo who declined to give his name. Another anonymous resident in Kismayo told Hiiraan Online that there are some restaurants that started selling hyena meat with different foods. The price of hyena meat has risen and it’s affordable to only rich people.

Shiikh Umal oo ka hadlay cunista Hilibka Waraabaha
Talaado, August 15, 2012(HOL): Maalmihii aanu ka soo gudubnay waxaa isa soo tarayay war ku saabsan in Xarrakada Al-Shabaab ee gacanta ku haya magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ay dadka magaaladaas u xalaaleysay cunista hilibka Waraabaha ama Dhurwaaga.

Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da oo arrintan raad-raac ku sameysay ayaa waxay wareysi la yeelatay dad ku sugan Magaalada Kismaayo iyo Maxamed Cabdi Umal oo ka mid ah Culumaa’udiinka waa weyn ee dalka Soomaaliya iyo dibaddiisa sida weyn looga yaqaanno.

Shiikh Maxamed Cabdi Umal ayaa wuxuu ka hadlay cunista hilibka Waraabaha, wuxuuna sheegay in uu cunista hilibka xayawaankaas uu yahay mid bannaan oo la cuni karo, isla markaana ay banneysay diinta Islaamka.

“Walaal Waraabaha ama dhurwaaga sida loo yaqaanno xadiith ayaa ku soo arooray cunistiisa, waana xadiith-ka saxaabiga Jaabir werinayo. Wuxuu Jaabir sheegay in Nabiga CSW uu sheegay in hilibka waraabaha la cuni karo, isla markaana uu Ugaar yahay. Xadiith-kan waa saxiix, waxaana soo saaray Axmed iyo Afarta Ahlu Sunnanka ah, isla markaana ay saxiixiyeen Bukhaari iyo culumo kale”ayuu yiri Shiikh Maxamed Umal oo soo daliishaday mas’alo shaaficiyah ah oo sheegeysa in ay carabta suuqyayada ku kala iibsan jireen hilibka dhurwaaga, cid diidi jirtayna aysan jirin, iyadoo uu tibaaxay in ay weliba carabta aad u jecleyd hilibka Dhurwaaga.

“Kutubteena Fiqiga ugub kuma aha oo Minhaajka iyo kutubta ka hooseysa waa ku taallaa, balse culumadeenna ayaa si kale u fasirtay oo yiri {waraabaha waa midka aan dhulkeena joogin waana midka nacaska ah ee dhulka carabaha jooga ee aan xoolaha cunin} ayay ku sheegi jireen, wax diidayana ma jiro, kutubta Imaamu Shaaficina waa ku taallaa. Mutjamaceenana waxa aysan u cuni jirin culumada ayaa tafsiirkaas siisay, haddana baahi ayaaba jirta oo dadka waxay mararka qaar gaarayaan xilligii bakhtiga u bannaanaa”ayuu yiri Shiikh Umal oo caddeeyay in warka guntiisa iyo gunaanadkiisa uu yahay in cunista hilibka waraabaha ama dhurwaaga uu bannaan yahay.


Halkan ka dhegeysto Warbixinta VOAQaar ka mid ah dadka ku dhaqan magaalada Kisamayo ayaa VOA-da u sheegay in hilibka waraabaha si caadi ah loogu kala iibsado suuqyada hilibka lagu iibiyo, isla markaana hilibkiisa iyo subaggiisa la kala siisyo lacag aad u badan, iyadoo ay xuseen dadkani in markii hore hilibka Dhurwaaga lagu kala iibsan jiray si qarsoodi ah, balse hadda si caadi ah loo kala iibsado. Kiilada Hilibka Waraabaha ayaa la kala siistaa 5.50$, halka Kiiladii Subagga ahna la kala siisto 10$.

Dhegeystahani la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da waxaa uu sheegay in dadka qaarkiisa ay rumeysan yihiin in cunista hilibka dhurwaaga ay dawo u tahay xanuunno ay ka mid yihiin jinka sixirka iyo qallalka, iyadoo taasina si aad ah loola yaabay.

Ugu dambeyntiina, dhegeyste kale oo magaciisa qariyay oo hilibka Dhurwaaga ama Waraabaha cunay ayaa sheegay in hilibkan uusan wax badan ka duwaneyn hilib Ariga gaar ahaana midka Dheyllada ah. Dad badan oo ku nool magaalada Kismaayo ayaa ka maagay in ay hilib ka soo iibsadaan suuqyada, iyago ka baqdin qaba in ay soo iibsadaan hilibka Dhurwaaga maadaama ay meel wada suran yihiin hilibkii Ariga iyo midkii Dhurwaaga ama Waraabaha.


Kismayo oo Hilibka Waraabaha Laga Cuno.DHEGAYSO

Cunista hilibka waraabaha ayaa ku soo badaneysa magaalada Kismayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, waxaana lagu iibiyaa suuqyadaCunista Hilibka waraabaha oo ah arin ku cusub mujtamaca Somalida dhexdeeda ayaa culumo uu ka mid yahay Sheekh Maxamed Cabdi Umal ay sheegeen in diiniyan la ogolyahay in la cunno hilibka waraabaha.
Waxaa si aan qarsoodi aheyn loogu iibiyaa hilibka waraabaha iyo subagiisaba meelo ka mid ah Kismayo iyo maqaayado.
Qaar ka mid ah dadka gobolka ayaa wer wer ka muujiyay dhaqanka ku cusub.
Warbixin ku saabsan arintaasi oo ay noo diyaarisay wariyeheena Sahra Cabdi Axmed halkan hoose ka dhageyso.

Blog Archive