Tuesday, May 8, 2012

Degmada beesha JAARSO VIDEO





Tuliguled waa magaalo eey lee dahey beesha jaarso runti waa guul u soo hoyatey beesha jaarso in eey Tuliguled u noqoto dagmo mash allah Hanbalyo beesha jaarso weyn


JaraaQato1 1 month ago


Tuli-guleed Heestii Dabaal Daga Dagmada Cusub oo saxsan


Blogga Cusub ee Beesha Jaarso Madaxweyn Dir

Blogga Cusub ee Beesha Jaarso Madaxweyn Dir ee aad ka heli kartaan akhbaartaa beesha Jaarso. Bishaaro kuna soo dhawaada kalana socda tolweynaha Jaarso ninkii tagay Ethiopia siiba dhulalka ku wareegsan Jigjiga ilaa Haraar iyo Nawaaxiga Dhiradhabe waad ogatahay Madaxweyn Direed iyo dalkiisa. Kuwii aan agoon se barta tolkiin iyo bah weynta Jaarso.

Madaxweyn waa odeyga iyo curadka iyo Maanka Guud ee Direed. Akhri baro ogow, raadi tolkaa. Waxaadna ka heli kartaa barbaartooda websidka:

http://jaarso.blogspot.ca/

Taariikh Kooban Beel Waynta Direed ee JAARSO

Qoraalkan waa ii sharaf in aan u soo bandhigo dhalinta Direed waxaana soo saray Jaarso.blogspot.ca. Jaarso waa curadada Madaxweyn Direed kana barta dhalinta Jaarso sida ay iyagu Tariikhdooda noogu soo bandhigaan.

Taariikh Kooban Oo Ku Saabsan Beel Waynta JAARSO oo ka soo baxay webka:
 http://jaarso.blogspot.ca/
























Jaarso waa qabiil soomaaliyeed kana mid ah bahwaynta Direed , qabiilka jaarso wuxuu ka mid yahay beelaha soomaaliyeed ee ku nool Ethiopia kuwa ugu badan dad ahaan iyo dhul ahaanba



.



Umada Jaarso waa umad taariikh wayn ku leh Geeska Afrika waana qabiilkii soomaaliyeed ee ugu hor yeeshay boqortooyo maamuli jirtay in badan oo ka mid ah wadanka Ethiopian Waxaana la odhan jiray JAASRO SULTANATE, boqortooyadani waxay kulmin jirtay oo hoos imaan jiray iyaguna dhawr boqortooyo oo caanka ah Geeska Afrika ilaa hadana taariikhdooda lagu barto kuliyadaha,jaamacadaha iyo schoolada wadanka Ethiopia waxaana ka mid ahayd boqortooyadii waynayd ee la odhan jiray SULTANATE OF DAWARO ( Dawaro Waa Jilib ka mid beesha Jaarsi ).



waxyaalaha in la xuso ubaahan ama ay ku faanaan umada Jaarso waxaa ka midka ah oo taariikhda u gashay beesha jaarso ay ahayd qabiilkii soomaaliyeed ee ugu horeeyay kaasoo dagaal fool ka fool ah la galay dawlad ay xabashi lee tahay, Beesha Jaarso waxaa kale oo ay lee tahay misena ay ku faani kartaa xeer soo jireen misena caan ah kaas oo ay isku maamulaan, xeerkaas oo la yidhaahdo Xeerka Jaarso kaasoo lagu aas aasay Tuulada Tuli Cagaagane.





Beesha jaarso waxay ku fadhidaa dhul aad u balaadhan oo ka mid ah dalka Ethiopia, waxayna ku xoogan yihiin Ismaamulka Somalida Ethiopia iyo Kan Oromada, Umada Jaarso waa umad ku hadasho laba af oo kala ah Afka Somaliga iyo Afka Oromada, markaan lee nahay afka oromada inta ku hadasha waxaa lagu qiyaasaa inay dhan yihiin 45% inta ku hadasha afka somaligana waxaa lagu qiyaasaa inay dhan yihiin 55% , beesha jaarso waa beel nabad jecel isla markaana aad u ixtiraamta umada ay wada degaan taasina waa dabeecadaha ay ku caanka yihiin.



Beesha Jaarso deegaanada ay ku nool yihiin waxaa ka mid ah :

1. Degmada Jigjiga

2. Degmada Jinacsani

3. Degmada Ajasa Koora

4. Degmada Baabili

5. Degmada Gursum

6. Degmada Hawaday

7. Harar,Haramaya,Diridawa,Naserat,Baali,Dhangago

8. Degmada Tuli Guuled

9. Waxay Kale oo Ay Ku Nool Yihin Qaybo Badan Oo Ka Mid Ah Kililka Oromada

10. Gobolka Liibaan

Hadaan usoo noqono beeshu waxay ka kooban tahay lix (6) jilib oo waa wayn waxayna kala Yihiin:

1. Wara dhaqo ( Reer Dhaqo )

2. Wara sayo ( Reer Sayo)

3. Walaabi

4. Wara Oogo (Reer Oogo)

5. Dawaro

6. Oroma

Erayga Waro waa eray oromo ah wuxuuna la mid yahay Reer

1. Wara Dhaqo iyaduna waxay usii kala baxdaa Tobadaba (7) Jilib.



Wara Yan’a

Wara Yaanyo Igo

Wara Maxamed

Wara Yaanyo Guyo

Wara Akaako

Wara Areelo

2. Wara Sayo iyaduna waxay ukala baxdaa sadex (3) jilib oo waa Wayn

Wara Buuko

Abiye

Oroma

3. Walaabi waxay ukala baxdaa sadex (3) jilib oo waa Wayn

Wara Cusmaan

Wara Cumar

Baalcad

4. Dawaro

5. Wara Oogo

6. Orama





F.G. Fadlan wixii Talo iyo Tusaaleba Ah ama Sixid Aad Iga Saxaysid Wixii Ka Qaldan Qoraalkan iigu Soo Hagaaji Ciwaankan jaarsocommunity@hotmail.com

Blog Archive