Tuesday, May 10, 2011

Beelah Dir iyo Boqortoyoyinkii Hore --Suure

A new geneology of the Dir clan has recently appeared on the internet at the above address;However, another Dir man listed the following list. This List appeared on (Awad) home page. Please those of you who are familiar with the clan affiliations of the Dir help us in perfecting this list and add any corrections. Southern Dir point of veiw. Beelah Direed ee konfurta Somalia (Mudug/Galgaduud/Sh.Hoose) dagan waxa ay sheegan in odeyga Direed uu dhalay Afar wiil oo kala ah: Madaxeyne Direed oo curad ah, Mahe Direed oo ku xigeen ah, iyo labada kale oo kala ah Madoobe Direed iyo Mandaluug Direed oo ugu yar da'a ahaan marka la eego. Taarikhiyan waxa ay rumeysanyihiin Dirka Galbeedka iyo Konfurta dagan dhoor qodob oo ku saabsan tariikhda hore. 1)Dadka Direed in ay ka yimaadeen dhankan Galbeedka bilawgii, kunsano ka hor. 2)Magaca Dir in uu macnahiisu yahay "Fir" ama Ab. Oo lagu macneyn karo geesi ama Dhiire. 3)Konfurta Dirta dagan wexey rumeysan yihiin in ay Dirka xukumi jireen Saladiin loo yaqiin ROOBLE oo ahaa ilaaliyaasha Xeerka iyo caadada beesha. Rooble- Xeerbeegti,Qareemo, amanduuleyaal,Roobdoonayal,iyo mareynta reerka ayaa lagu aqoon jiray.Guud ahaana waxa ay ilaalin jireen xeerka oo Dirku rumeysnaa in ay ka dhaxleen Dir Aji abkoodi hore. Madaxdan oo loo aqoon jiray Roobleyaash dadku wey ixtiraami jireen ila heer xitaa isha laguma godi jirin, oo xitaa "ILKULULe" ayaa loo aqoon jiray. 4)Waxa kaloo ay rumeysan yihiin in Zeylac magalada la yiraahdo ay Dir badan soo jidatay qarnigii (700 AD) halkaas oo ay ka soo dageen Asxaab badan oo Rasuulka(Caleyhi salatu wa salaam) u soo diray magaalada Zailac Hijradii koowad. Oo dadka Direed iyo Canfarta (Oday Caliga) ay waagii danbe ka wada asaseen labo boqortooyo oo la kala dhihi jiray CIFAT iyo CAdal. 5)Dirta koonfurta iyo Galbeedka dagan waxa ay rumeeysan yihiin oo kale in 1400 ay dhaceen dagaalo far badan oo xabashida iyo muslimiinta is dagaaleen. Ilaa ay xabashida oo adeegsaneysa (Portugees)burtaqiis ay cagta mariyeen boqortooyoyinkii Musliminta oo kuwa Direed ee Cifat iyo Awda ka mid ahayeen 6)Dhamaan waxa ay rumeysan yihiin Dirka in ay door weyn ka ciyaareen fidinta diinta Somalia iyo Ethiopia dhexdooda. Sheekhyada waaweyn ee geeska Afrika sida Sheikh Xuseen Bali, Aw Barkadle, Awbarre iyo qaar kale ay Cadal iyo Cifad ka soo jeedan 4)Beelaha Biyomaal iyo Suure iyo Guure waxa ay sheegan in 1600-1750 ay u soo guureen duleedka dalka (Gobalada dhexe iyo labada wabi dhexdooda) mudo yar ka dib dagaladii Axamed Gurey iyo Amxaarada. *MADAXWEYN DIR Ali 1)Guureh 2)Jiide 3)Gariire 4)Akisho 5)Layiile 6)Gurgure 7)Wardey *MAAHE DIR Maxamed Xiniftire Biyamal Isaaq Gaadsan Bajimaal Dabruube Suure (caballe & Qubeys) Magadle Quranyow maxamed(Gare) Barsuug Madigaan Rooble *MANDALUUG DIR Madaluug (southern Madaluug) Gadabuursi * MADOOBE DIR Ciise *QALDHO DIR Noole Warday Jarso Babili

No comments:

Blog Archive